18 Arday oo ku Geeriyootay Dab ka Kacay Iskuul ku yaalla Nyeri, Kenya

Saraakiisha sare ee Kenya ayaa shaaciyay in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen, halka 27 kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay guri ay daganaayeen ardayda dugsiga hoose ee Hillside Endarasha, oo ku yaalla gobolka Nyeri ee dalka Kenya.

Masiibadaani ayaa ka dhacday habeenkii Jimcaha, waxaana madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, sheegay in 86 arday oo kaliya la tiriyay, iyadoo 150 arday ay daganaayeen iskuulka, taas oo cabsi badan ka abuurtay in khasaaruhu intaas kasii bato.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah, si loogu sharfo carruurta ku geeriyootay masiibadan.

Booliska ayaa billaabay baaritaanno si loo ogaado waxa sababay dabka iyo ciddii mas’uulka ka ahayd, iyadoo Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri, Resila Onyango, uu sheegay in carruurta dugsiga dhigata ay da’doodu u dhaxayso ilaa 14 sano.

Masiibadan ayaa si weyn uga naxsatay bulshada Kenya, iyadoo dad badan ay tacsi iyo taageero u muujiyeen qoysaska ay carruurtoodu ku waxyeelloobeen dhacdadan naxdinta leh.

Weli waxaa socda baaritaanno dheeri ah oo lagu doonayo in lagu ogaado waxa sababay dabka iyo sida uu u faafay.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah