Xildhibaan Mukhtaar Saajid, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya isla markaana horey taageero ugu muujiyay Itoobiya, ayaa maanta si rasmi ah uga laabtay mowqifkiisii, isagoo raalli-gelin buuxda u sameeyay shacabka Soomaaliyeed.
Saajid, oo wareysi siiyay Somali Cable Tv, ayaa sheegay in hadalkiisii hore si qaldan loo fasiray, laguna isticmaalay si loogu kiciyo xaaladda taagan.
Xildhibaan Saajid ayaa sheegay inuu si qalad ah u muujiyay taageerada Itoobiya, isagoo tilmaamay in hadalkiisa lagu adeegsanayo kicinta xiisadda.
“Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen,” ayuu yiri Saajid. Waxa uu intaa raaciyay, “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, hadda ma taageersani, mana taageeri doono warkaas ma cad-yahay.”
Saajid ayaa sidoo kale xusay in gobonimada Soomaaliya aysan noqon karin wax la taabtaan, wuxuuna si adag u cambaareeyay faragelinta Itoobiya.
“Waxaan aaminsanahay gobanimada Soomaaliya lama taabtaan inay tahay, xuduudadeeda lama taabtaan inay tahay, Itoobiya hadda ayaan u sheegayaa haddii ay i maqleyso cidi foodeed kuma taageeraayo ee quuso,” ayuu mar kale yiri Saajid. Hadalkan ayaa muujinaya sida uu xildhibaanku uga soo horjeedo faragelinta Itoobiya iyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Saajid wuxuu sidoo kale tilmaamay in taageeradii hore ee uu muujiyay Itoobiya ay keentay dhaleeceen xoogan, gaar ahaan xildhibaannadii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya.
Arrintan ayaa sababtay in xildhibaannadaasi ay la kulmaan dhaliil iyo cabashooyin xooggan oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed.
Taageeradii hore ee Saajid iyo qaar ka mid ah xildhibaannada kale ayaa si weyn loogu dhaliilay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen inaysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee Itoobiya.
Hadalkan ka soo baxay Saajid wuxuu noqon karaa isbeddel muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda gudaha Soomaaliya, maadaama uu muujinayo sida ay xaaladaha siyaasadeed u saameyn karaan mowqifka iyo taageerada xildhibaannada.
Waxa uu sidoo kale muujinayaa in cadaadiska shacabka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kaalin weyn ka qaadan karto isbeddellada ku yimaada taageerada siyaasadeed ee xubnaha baarlamaanka.
Saajid iyo xildhibaannadii taageeray Itoobiya waxay hadda wajahayaan xaalad adag, iyadoo raalli-gelintooda aysan si buuxda u dabooli karin dhaliilaha iyo cabashooyinka ka dhashay taageeradii hore.
Waxayna arrintan ku kallifaysaa baarlamaanka inuu si qoto dheer uga fikirto siyaasadda iyo saameynta ay yeelan karto taageerada shisheeye ee Itoobiya.