Hoggaamiyaha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa wajahay cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda uga yimid, kaas oo looga dalbanayo inuu aqbalo heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka ka socda Gaza iyo in la soo daayo la heystayaasha reer Israel ee ku sugan halkaas.
Cadaadiskan ayaa si gaar ah u xoogaystay kadib markii la helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha, kuwaas oo lagu dilay god dhulka hoostiisa ah oo ay ku hayeen xoogagga Xamaas.
Mudaaharaadyo ballaaran ayaa habeenkii Axadda ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Israel, sida Tel Aviv, Haifa, iyo Qudus.
Dadka ayaa dalbanayay in xukuumadda Netanyahu ay aqbasho heshiiska xabbad-joojinta, iyagoo taageero u muujinayay qoysaska la heystayaasha.
Waxaa xalay sidoo kale mudaaharaadyo ka dhacay bannaanka guriga Netanyahu ee bartamaha Qudus, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumanaan qof oo caro ka muujinaya sida uu u maamulayo xaaladda.
Cadaadiska gudaha ma aha kaliya kan shacabka, balse sidoo kale siyaasiyiin sare iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku cadaadinaya inuu aqbalo heshiis ay kula soo baxaan la heystayaasha.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant, ayaa horay ugu baaqay in mudnaanta la siiyo badbaadinta la heystayaasha, inkastoo Netanyahu uu ku adkeysanayo in ciidamada Israel ay sii joogaan qaar ka mid ah aagagga muhiimka ah ee Gaza, sida marinka loo yaqaanno Philadelphi ee isku xira Rafax iyo Masar.
Dhinaca dibadda, Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa si cad u sheegay in Netanyahu uusan weli wax talaabo wax ku ool ah qaadin si loo gaaro heshiis xabbad-joojin iyo sii deynta la heystayaasha.
Biden wuxuu ka digay in dib u dhacyadan ay sii murjin karaan xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza, isagoo sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu sii wado dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo xiisadda.
Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday Isniintii inay joojineyso qaar ka mid ah hubka ay u dirtay Israel, iyadoo ka baqeysa in Isra’il ay ku xadgudubto xeerarka caalamiga ah ee dagaalka.
Tani waa tallaabo kale oo cadaadis ku ah Netanyahu, oo hadda wajahaya cadaadis caalami ah oo sii kordhaya.