Ururka Xamaas ayaa dagaal-yahanadooda ilaalineysa la haysteyaasha Israeliyiinta ku haysta Marinka Gaza u sheegay inay dili karaan maxaabiista haddii ciidamada Israel ay ku soo dhawaadaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida, ayaa sheegay in amar lagu siiyay dagaal-yahanadooda inay ka takhalusaan la haysteyaasha haddii ay dareemaan in lagu soo wajahan yahay ama la soo hujuumo.
War qoraal ah oo Abu Ubaida xalay soo saaray ayaa ku sheegay in Xamaas ay si cad u ogeysiisay go’aankooda.
Tani waxay timid ka dib markii ciidamada Israel ay 8-dii bishii June ku fureen afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta, iyadoo hawlgalkaasi uu sababay dhimashada 274 qof oo rayid ah iyo dhaawac 698 kale, isagoo sidoo kale ahaa kiiskii ugu weynaa ee ay Israel ku furato maxaabiis nool tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa fiidnimadii xalay sheegay in ciidamada Israel aysan marnaba ka soo bixi doonin Waddada Philadelphi ee xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar.
Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in xoog lagu soo furo dadka la haysto ee gudaha Marinka Gaza.
Xamaas ayaa ku adkeysanaysa inaysan qaadan doonin heshiiska xabad joojinta illaa iyo inta Netanyahu uu aqbalayo in ciidamadiisa uu kala baxayo Marinka Gaza.
“Netanyahu wuxuu ku adkeystay in maxaabiista lagu soo sii daayo cadaadis militari, halkii laga xoojin lahaa heshiiska.
Waxaan u sheegnay in tani ay keeni doonto in maxaabiista ay u laabtaan qoysaskooda, iyada oo naxash lagu sido meydadkooda,” ayuu yiri Abu Ubaida.
Abu Ubaida ayaa qoysaska la haysteyaasha ugu yeeray inay kala doortaan inay xubnaha ka maqan arkaan iyagoo dhintay amaba nool, iyadoo xaaladani ay walaac weyn ku kordhinayso qoysaska la haysteyaasha iyo shacabka Israel ee ka soo horjeedo in khatar la geliyo nolosha maxaabiista.
Shacabka Israel ayaa Axaddii iyo Isniintii dhigay mudaaharaadyo ay Netanyahu kaga dalbanayaan in xukuumaddiisu ay soo afjarto dagaalka Gaza si ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in dagaalka la sii wado, isagoo ku tilmaamay in masiirka Israel uu ku xiran yahay dagaalka.
Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa hadda ku haysta Marinka Gaza in ka badan 100 Israeliyiin ah, taasoo xaaladda sii murjineysa.
Xamaas ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Telegram-ka ku sheegtay in Netanyahu uu nolosha maxaabiista ka doortay sii joogitaanka Philadelphi Corridor, dhib kasta oo soo gaarana uu isagu masuuliyadeeda qaadi doono.