Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Danjire Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka hadlay xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Danjire Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay si weyn uga soo horjeeddo dhismaha ciidamo awood leh oo Soomaaliya leedahay, taas oo ay u aragto inay tahay mid halis ku ah danaha ay ka leedahay gobolka.
Geelle ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan diidmadaas salka ku hayn heshiiska dhawaan lala galay Masar, balse ay ka horjeeddo in Soomaaliya ay gaarto awood iyo horumar dhinaca amniga ah.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay weli ku adkeysaneyso inaysan ogolaan karin in Soomaaliya ay si madax-bannaan uga taliso danaha ay leedahay iyo xiriirka ay la sameysaneyso dalalka kale.
Xiisadda labada dal ayaa sare u sii kacday kadib markii labo diyaaradood oo nooca C-130 ah, oo laga leeyahay dalka Masar, ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis la saxiixay bishii August, kaas oo Soomaaliya iyo Masar ku heshiiyeen in ciidamo Masaari ah lagu soo daro kuwa cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Arrintan ayaa durba walaac xoogan ka dhalisay Itoobiya.