Arsenal ayaa wajahaysa walwal weyn kadib markii daafaceeda cusub, Riccardo Calafiori, uu dhaawac halis ah soo gaaray intii lagu guda jiray ciyaartii xulka Talyaaniga ay guusha ka gaareen France.
Calafiori, oo ku biiray Arsenal heshiis dhan £42 milyan, ayaa canqowga ka dhaawacmay kadib markii Ousmane Dembélé uu ku dhacay inta lagu jiray ciyaarta ka socotay Parc des Princes.
Daafacan ayaa ciyaaray kaliya saacad ka hor inta aan dhakhaatiirtu garoonka ka saarin, iyadoo muuqaalka dhaawaciisa uu walwal ku abuuray tababaraha Arsenal, Mikel Arteta.
Intii uu garoonka dhexda kaga dhacay, Calafiori ayaa la arkayay isagoo xanuun weyn dareemaya, waxaana saaxiibadiis hareereeyay si ay xaaladiisa u eegaan.
Si kastaba ha ahaatee, macalinka xulka Talyaaniga, Luciano Spalletti, ayaa ku yareeyay cabsi laga qabo in Calafiori uu maqnaado muddo dheer, isagoo sheegay in xitaa uu dib ugu soo laaban karo kulanka soo socda ee xulka Talyaaniga.
Calafiori ayaa laba kulan u saftay Arsenal tan iyo markii uu ka soo biiray kooxda Serie A. Arsenal ayaa kulanka xiga la ciyaari doonta kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Tottenham, marka laga soo laabto fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.
Ma cadda in daafacani ka soo muuqan doono kulankaas ama uu taam noqon doono.