Kulamadii baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u bilaabanaya, ka dib hakad maalmihii lasoo dhaafay ka jiray, sababo la xiriira xiisadaha iyo kala aragti duwanaanshaha xildhibaannada.
Muranka ugu weyn ee ka dhex aloosnaa Golaha Shacabka ayaa ka dhashay arrinta joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay qaar ka mid ah xildhibaannada u muujiyeen farogelintaas, taasoo si gaar ah u saameysay mudaneyaasha kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
Xiisadda ayaa u horseeday kala qeybsanaan iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa faragelin ku sameeyay arrintaas, isagoo ku dhawaaqay in heshiis laga gaaray murankaasi.
Sidoo kale, waxaa jira go’aan cusub oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaas oo mamnuucaya in warbaahinta laga siiyo waraysiyo iyo shirar jaraa’id gudaha xarunta Villa Hargeysa, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.
Dib u bilaabidda kulamada baarlamaanka ayaa imaaneysa xilli khilaafka xildhibaannada la xaliyay, taas oo fursad u ah in baarlamaanku sii wado howlaha shaqo ee horyaalla.