Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga hadlay weerarkii hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay qalqal iyo cabsi gudaha magaalada.
Inkastoo dad badan oo goobjoog ah ay xaqiijiyeen inay maqleen ku dhowaad 10 hoobiye oo ku kala dhacay degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari, iyo Yaaqshiid, Boolisku waxay sheegayaan in qaraxyadaas aysan aheyn hoobiyeyaal toos ah oo wax khasaare nafeed gaystay.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in qaraxyada ay ka dhasheen baco dheemish ah oo kooxda Al-Shabaab dhigtay meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, iyagoo isku dayaya inay ku abuuraan cabsi iyo jahawareer.
Boolisku waxay ku adkeeyeen in magaalada Muqdisho ay weli tahay nabad, mana jirin wax khasaare nafeed oo ay qaraxyadu sababeen, marka laga reebo waxyeello soo gaartay guryo jiingado ah oo bacahaas lagu dhigay.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo todobaadkii hore sidan oo kale tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan bartilmaameedyo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Weerarrada hoobiyeyaasha iyo qaraxyada ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay sii wadaan isku daygooda ah inay carqaladeeyaan amniga caasimadda iyo hareeraheeda, iyagoo weerarro ka fuliyey gudaha Muqdisho iyo meelaha ku dhow sida Ceelasha Biyaha iyo Garasbaaley.
Falalka noocan ah ee ay kooxda ku beegsanayaan meelaha ay rayidka ku badan yihiin ayaa ah dhaqan soo noqnoqda, iyagoo isku dayaya in ay dadweynaha ku abuuraan cabsi iyo qas.
Dowladdu waxay ku adkeysaneysaa inay ka go’an tahay la dagaalanka kooxdan, iyagoo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.