Ku dhawaad laba boqol oo booyado sida shidaal ah ayaa ku xanibnaa xadka u dhaxeeya Koonfurta Sudan iyo Sudan, waxaana lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, inkastoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan.
Waxaa la tilmaamay in inta badan booyadahaan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah oo ku wajahnaa magaalada Abyei, oo ah magaalo ku taalla xadka labada dal.
Maxamed Cabdirisaaq Axmed (Boqol), oo ka mid ah darawallada booyadahaan, ayaa sheegay in ay dhibaatooyin badan la kulmeen intii ay safarka ku jireen, oo ay ku jirtay dhacdo naxdin leh oo ay burcad jidka ka dileen mid ka mid ah darawallada oo lagu magacaabay Xuseen.
Intaa waxaa dheer in la oggolaaday oo kaliya in gaadiidka Qaramada Midoobey ay ka gudbaan xadka, halka kuwa ganacsatada loo diiday.
Booyadahaan oo qaar ka mid ah ka soo ambabaxeen Kenya, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba, ayaa ilaa hadda wajahaya xaalad adag.
Ganacsatada iyo darawallada Soomaalida ah ee wataan booyadahaan ayaa sidoo kale sheegtay in aysan wax taageero ah ka helin safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta Sudan, taas oo sare u qaadday cabashadooda.
Boqol iyo qaar ka mid ah darawallada ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay arrintaan soo farageliso, si loo xalliyo dhibaatooyinka ay ku qabaan xadka, iyagoo intaa ku daray in ay halis weyn soo galeen iyagoo shidaal ka ganacsanaya.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay safka dhaadheer ee booyadaha oo ku sugnaa waddo dhinaceed.
Arrintan ayaa sidoo kale dib usoo celisay xusuus hore oo ku saabsan dhibaatooyin ay ganacsatada Soomaalida kala kulmeen waddooyinka halista badan ee qaaradda Afrika, gaar ahaan marka ay la kulmaan burcad ama dhibaatooyin kale oo amni la xiriira.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo ku saabsan sababta loo celiyay booyadaha ama qorsheyaal lagu xallinayo xaaladda.
Xigasho: BBC