Cadaadis Culus oo Ka Soo Wajahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Dagaalka Amxaarada iyo Caalamka oo Su’aalo Ka Keenay Heshiiska Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda ah, kaddib markii ciidanka federaalka ay guuldarrooyin culus kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha iska caabbinta Amxaarada.

Xaaladdan ayaa xusuusinaysa dhibaatadii hore ee ku dhacday xukuumaddiisa xilligii dagaalladii ka dhacay Tigree, halkaas oo Abiy uu ku waayay ciidammo badan, kuwa kalena maxaabiis ahaan looga qabsaday.

Cadaadiska gudaha ayaa sii kordhay toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo kooxaha iska caabbinta Amxaarada ay dib u hananayaan deegaanno muhiim ah.

Arrintan ayaa keentay in Abiy uu ku qasbanaado inuu kordhiyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, iyagoo wajahaya dagaallo soo noqnoqday oo ay ku xooggan yihiin jabhadaha Amxaarada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu hadda xoogga saaraya in ciidamadiisu ay dib u helaan kalsoonida iyo niyad wanaagga, isagoo wasiirrada ku amray inay ka shaqeeyaan sidii askarta loogu dhiirrigelin lahaa in aysan dib uga noqon furimaha dagaalka.

Cabsida ugu weyn ee Abiy waxay tahay in kooxaha mucaaradka ah ay ku soo dhowaan karaan saldhigyada muhiimka ah ee ciidanka federaalka, taas oo halis gelin karta xasilloonida dalka.

Dhanka kale, Abiy wuxuu wajahaya cadaadis caalami ah kaddib heshiis uu la galay Somaliland, kaas oo uu ku doonayay in Itoobiya ay hesho marin badeed.

Heshiiskan ayaa si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, oo si cad uga soo horjeesatay heshiiskaas, kuna eedeysay Abiy inuu ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhaawac weyn u geysatay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya laheyd caalamka, iyadoo cadaadisyo badan oo diblomaasiyadeed la saaray xukuumadda Abiy.

Xaaladda adag ee gudaha Itoobiya iyo cadaadiska dibadda ayaa su’aalo ka keenay mustaqbalka siyaasadeed ee Abiy Axmed, iyadoo taageeradiisii gudaha iyo taageerada caalamiga ah ay si weyn hoos ugu dhacayaan.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah