Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalkan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo isku haya dhul daaqsimeed ayaa ka dhacay deegaanka Bali-Seenyoone, kaas oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu socday illaa xalay, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo keentay in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashaan.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof ay ku geeriyoodeen dagaalka, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawacmay ayaa la soo werinayaa inay u badan yihiin kuwa halis ah, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay kororto haddii aan la helin gargaar deg-deg ah.
Beelaha dagaalamaya ayaa isku haysta dhul bannaan oo ku yaalla deegaanka Bali-Seenyoone, arrintaas oo keentay in muranka uu isku rogo dagaal dhiig badan ku daatay.
Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay, iyadoo labada dhinac ay isku horfadhiyaan.
Dagaalka beeleedka ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka, kuwaas oo qaarkood bilaabay inay ka barakacaan guryahooda iyaga oo cabsi weyn ka qaba in lagu waxyeelleeyo iska horimaadka socda.
Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi, waxaana jira baaqyo kala duwan oo looga dalbanayo maamulka iyo dowladda federaalka in ay si degdeg ah uga howlgalaan joojinta colaaddan, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.
Gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay la daalaa-dhacayay dagaal beeleedyo marar kala duwan qarxay, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga iyo xasiloonida gobolka.
Dagaalladan ayaa caqabad weyn ku noqday isku dayada nabadaynta ee ka socda gobolladaas, iyadoo ay jiraan dedaallo beesha caalamka iyo hay’adaha gudaha ka wadaan sidii loo xalin lahaa colaadahan soo noqnoqday.