Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalkii ka dhacay gobolka Shabeelle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan duleedka degmada Cadaadle.
Dagaalkan ayaa dhexmaray ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay muran ka taagnaa deegaanka, kaas oo sababay isku dhac xooggan oo u dhexeeya ciidamada Liyu Boolis iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah, dagaalka ayaa dhacay meel ay dad rayid ah ku sugnaayeen, taasoo keentay in ku dhowaad 20 qof ku dhintaan goobta.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay ay ahaayeen dad rayid ah oo aan hubeysneyn, halka qaar kalena la waayay oo aan la garaneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhaawacyo halis ah qaba oo aan helin gargaar caafimaad oo ku filan, taasoo sababtay in qaarkood u dhintaan dhiig bax.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo aagga degmada Cadaadle.
Ciidamada Liyu Boolis ayaa lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin dilka shacabka, hase yeeshee maamulka deegaanka weli kama aysan hadlin dhacdadan.