Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka, Daahir Xasan Carab, ayaa xalay lagu sagootiyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa soo qaban-qaabiyey saaxiibbadiisa Jaamacadda Simad, oo uu horey uga soo noqday guddoomiye.

Daahir Carab, oo ay u magacaabeen xilkan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muhiimadda xilka loo igmaday iyo ballanqaadkiisa ku aaddan horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Danjire Daahir wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono talo qaadashada iyo wada shaqeynta bahda diblomaasiyiinta ee safaaradda Mareykanka si loo sii amba-qaado shaqadii hore.

Isagoo uga mahadcelinaya madaxweynaha magacaabistiisa, wuxuu tilmaamay in dardaaranka madaxweynuhu ku saabsan yahay horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, iyo is-dhaafsiga farsamo ee labada waddan.

Intii uu ka hadlayay saaxiibbadii Jaamacadda Simad, Daahir Carab wuxuu la wadaagay sheeko tusaale ah oo ku saabsan waayihii lasoo maray iyo sida ay saaxiibbadiisii hore ula wadaagi doonaan guulaha cusub ee uu ku tallaabsan doono intuu xilkan hayo.

Daahir Carab ayaa ballanqaaday inuu waajibaadkiisa ka soo bixi doono, isagoo xoojinaaya xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka, taas oo qeyb ka ah horumarinta guud ee xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah

Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo Dacwad Ka Gudbiyey Wasaaradda Caafimaadka Heer Federaal