Dowlada Israel Oo Sheegtay In Ay Maxbuus Ka Soo Furatay Ururka Xamaas

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Talaadadii ay u suurtagashay in ay nin maxbuus ah ka soo furtaan Ururka Xamaas, ka dib hawlgal ay sheegeen inay ka sameeyeen koonfurta Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska ay god dhulka hoostiisa ah ka soo badbaadiyeen nin Carab oo reer Bedouin ah oo Xamaas ay afduubatay, intii uu socday weerarkii 7-dii October.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in hawlgalka oo qayb ay ka ahaayeen Sirdoonka Gudaha Israel ee Shin Bet ay ciidamadu ku guuleysteen inay soo samatabixiyaan Kaid Farhan Elkadi oo 52 jir ah.

Ninkan oo haysta dhalashada Israel ayaa la geeyay Xarunta Caafimaadka Soroka ee Beersheba, halkaas oo uu ku marayo baaritaan caafimaad.

Maamulka ayaa baahiyay sawirro muujinaya ninkaasi oo isbitaalka kula kulmaya xubno ka mid ah qoyskiisa oo soo booqday.

Israel ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin qaabka lagu soo furtay ninkaasi iyo haddii uu dagaal dhacay iyo haddii kaleba.

Wargeyska Israel ka soo baxa, dhanka bidixdana u janjeera ee Haaretz ayaa sheegay in ninkaasi ay u suurtagashay in uu ka soo baxsado god dhulka hoostiisa ah oo lagu hayay, ciidamaduna ay waddada kula kulmeen isagoo lugeynaya, sidaana ay ku keeneen dhanka Israel.

Kaid Farhan waa aabe dhalay 11 carruur ah, kana soo jeeda deegaanka Rahat ee saxaraha Negev.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah