Dowladda Soomaaliya Oo Soo Saartay Bayaankii 23 Qodobka Ahaa ee Ku Saabsan Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Tallaabooyinka Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan dheer oo ka kooban 23 qodob, kaas oo si faahfaahsan u taabanaya arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dalka. Qoraalkan, oo ah warbixinta toddobaadlaha ee dowladda, waxa lagu soo qaaday:

  1. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Beijing.
  2. Kulanka Madaxweynaha Shiinaha: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, Mudane Xi Jinping.
  3. Khudbadda Shir Madaxeedka: Khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal.
  4. Shirka Dhaqaalaha Buluugga: Madaxweynaha oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
  5. Kulamo Heer Sare: Madaxweynaha oo Beijing kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac.
  6. Khadka Telefonka: Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell.
  7. Kulanka Taliyeyaasha Ciidamada: Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.
  8. Xil ka Qaadis: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.
  9. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Masar: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Qaahira kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly.
  10. Daahfurka Qorshaha Qaran: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha.
  11. Kulanka Madaxweyne Ku-Xigeennada: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.
  12. Baaq Golaha Wasiirrada: Shirka Golaha Wasiirrada oo baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka.
  13. Kulanka Danjiraha Qatar: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi.
  14. Shirka Madasha Bani’aadannimada: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya.
  15. Xuska Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga: Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga.
  16. Heshiiska Dalxiiska: Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya.
  17. Tababarka Ciidanka Booliiska: Wasiirka Amniga Gudaha oo tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  18. War Saaxaafadeed Ka Soo Baxay Wasaaradda Deegaanka: Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta.
  19. Tababarka Sameynta Filmada: Wasiirka Warfaafinta oo tababbar u soo xiray xubno ka kala socday warbaahinta qaranka iyo shirkadaha filimada.
  20. Kulanka Xuquuqda Carruurta: Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka oo qaabilay wakiilo ka socday UNICEF iyo UNSOM.
  21. Khudbad Madasha Ganacsiga: Wasiirka Maaliyadda oo khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka.
  22. Shirka Iskaashiga China iyo Afrika: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay shirkii 9-aad ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika.
  23. Hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka: Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan.

Mar walba kala soco wararkii ugu danbeeyay Wararnet Media.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah