Erik ten Hag ayaa muujiyay kalsooni weyn oo ku aaddan inuu mar kale Manchester United la qaadi karo koobab, isagoo si cad u sheegay in kaliya Manchester City ay wax ka badan kor u qaaday labadii sano ee la soo dhaafay.
Ten Hag wuxuu xilka la wareegay sanadkii 2022, wuxuuna isla markiiba kooxda ku hogaamiyay inay ku guuleysato Carabao Cup 2023, isagoo soo afjaray lix sano oo ay kooxda sugaysay koob.
Waxaa xusid mudan inay sidoo kale Manchester United kor u qaaday FA Cup bishii May, ka dib guushii lama filaanka ahayd ee ay Manchester City kaga gaareen Wembley, taasoo muujisay sida uu Ten Hag u yahay tababare guul-doon ah.
Sir Alex Ferguson, oo ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Manchester United, ayaa ah kan kaliya ee kooxda la qaaday koobab seddex xilli ciyaareed oo xiriir ah.
Ten Hag ayaa xusay inay wax weyn tahay in isaga iyo kooxdiisa la barbar dhigo Ferguson, balse wuxuu caddeeyay inay weli shaqo badan harsan tahay si loo gaaro heerkaas.
Ten Hag ayaa yiri, “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay koobabka ugu badan ee kubadda cagta Ingariiska, marka laga reebo Manchester City.
Taasi waa xaqiiqda. Sanadkan waxaan u dagaallami doonnaa inaan ku guuleysano koobab kale, waxaana aad ugu kalsoonahay inaan taas sameyn karno.”
In kasta oo Ten Hag uu sax yahay marka la eego guulaha uu kooxda la gaaray, haddana wuxuu iska indha tiray xaqiiqada ah in xilli ciyaareedkii hore United ay ku dhammaysatay kaalinta siddeedaad ee Premier League, taasoo ahayd booskii ugu xumaa ee ay kooxda ka gasho tan iyo 1990kii. Tani waxay ka dhigan tahay inay weli jiraan caqabado waaweyn oo ay tahay in Ten Hag iyo kooxdiisu ka gudbaan.
Mid ka mid ah caqabadahaas waa dhaawacyada kooxda ku soo badanaya. Mason Mount, oo ah ciyaaryahan muhiim ah oo dhowaan kooxda kusoo biiray, ayaa ka maqnaan doona ilaa shan isbuuc sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.
Tani waxay ku kordhineysaa liiska dhaawacyada kooxda, taasoo Ten Hag aad uga welwelsan yahay. Sidoo kale, Rasmus Hojlund oo la filayay inuu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xilli ciyaareedkan ayaa isna weli dhaawac uga maqan.
Maalinta kama dambaysta ah ee suuqa kala iibsiga, Manchester United waxay soo afjartay imaanshaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Uruguay, Manuel Ugarte.
Tan ayaa ka dhigan in kooxda lagu qarash gareeyay in ka badan 200 milyan oo ginni xagaagan kaliya, taasoo wadarta guud ee uu Ten Hag ku bixiyay ciyaartoyda tan iyo markii uu yimid ka dhigeysa in ka badan 600 milyan oo ginni.
Inkasta oo ay jiraan marar badan oo ay u muuqdeen in United aysan ka sii fogayn sidii ay ahayd wakhtigii Ole Gunnar Solskjaer, haddana Ten Hag wuxuu ku adkeystay inuu horumar weyn sameeyay.
Wuxuu yiri, “Waxaan dhisayay kooxdan, waxaan keensanay ciyaartoy da’ yar oo aan horumarinay, waxaana ku guuleysanay koobab. Maxaa kale oo aan sameyn karaa?”
Ten Hag ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimada taageerayaasha, isagoo sheegay in inkasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la hagaajiyo, haddana uu ogyahay in taageerayaashu ku qanacsan yihiin jihada uu ku wado kooxda. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in shaqadiisu aysan ku saleysneyn in la ammaano, balse ay tahay in Man United ay gaarto guulo waaweyn.
Ugu dambeyn, Ten Hag ayaa ku soo xiray hadalkiisa, “Aad ayaan u hami weynahay, kooxda sidoo kale waa mid hami leh, hogaanka ayaa hami weyn leh, qof walba oo kooxda ku jira wuxuu doonayaa guul.
Waa inaan si adag u shaqeynaa si aan u gaarno yoolalkayaga.”