Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo si weyn u saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha ka howlgala gudaha iyo hareeraha xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.
Go’aankan ayaa lagu mamnuucay in wax shirar jaraa’id ah lagu qabto gudaha ama bannaanka xarunta Baarlamaanka, sidoo kale waxaa la mamnuucay in wariyeyaashu ay halkaasi ku qaadaan wareysiyo.
Amarkan oo si toos ah loogu diray warbaahinta, ayaa saameynaya shaqooyinka ay qabtaan saxafiyiinta tebin jiray doodaha iyo shirarka Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa aan ka tirsaneyn warbaahinta qaranka.
Wariyeyaasha madax bannaan ee magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u dareemaya go’aankan, iyagoo laga hor istaagay tebbinta wararka muhiimka ah ee ka soo baxa xildhibaannada.
Go’aankan waxaa sidoo kale saamayn ku yeelanaya xildhibaannada laftooda, kuwaas oo badanaa shirarka jaraa’id ku qaban jiray xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda, oo inta badan uga faa’iideysan jiray madasha inay soo bandhigaan aragtiyadooda iyo dhaliilaha ay u jeedinayaan madaxda sare ee dalka.
Waxaa lagu xusuustaa dhowaan in xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ay shir jaraa’id ku qabteen bannaanka xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay si toos ah ugu taageereen heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn iyo caro badan.
Waxaa la rumeysan yahay in tallaabadan cusub ay la xiriirto xakameynta dhacdooyinka noocaas ah, si looga hortago xiisadaha siyaasadeed ee ka imaan kara.
Xayiraaddan ayaa sidoo kale ka dhigaysa in xildhibaannada aysan si fudud u gudbin karin farriimahooda, maadaama warbaahinta madaxa bannaan ay tahay aalad muhiim ah oo xildhibaannada mucaaradka ay ku gudbiyaan dhaliilahooda.
Tusaale ahaan, go’aanka noocan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalal kale oo ka tirsan Geeska Afrika, sida Itoobiya, halkaas oo xilliyo kala duwan lagu xadiday xorriyadda warbaahinta, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado siyaasadeed oo kacsan.
Haddii laga fiiriyo dhinaca kale, dowladdu waxay isku dayi kartaa in ay yareyso faafinta wararka xasaasiga ah ee ka dhex jira gudaha Baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood sii kiciyey xaaladaha siyaasadeed.
Xubnaha Golaha Shacabka iyo wariyeyaasha ayaa weli ka aamusay tallaabadan, waxaana la sugayaa jawaab-celin rasmi ah oo ku saabsan go’aankan cusub ee xadidaya dhaq-dhaqaaqyadii hore ee warbaahinta.