Golaha Wakiiladda Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib, oo hadda ku xiran xabsiga Mandheera

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta diiday xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuuusuf, oo shalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

Mudaneyaasha golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday soo jeedintii xeer-ilaalinta ee ahayd in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Abiib, taas oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doonaysay si loogu ogolaado in dacwad lagu soo oogo.

Waxaa soo xaadiray kulanka 57 xildhibaan, waxaana 51 ka mid ah ay codkooda ku diideen xasaanad ka xayuubinta, halka saddex xildhibaan ay taageereen.

Labo xildhibaan ayaa ka aamusay, waxaana sidaas ku burburay qorshihii xukuumadda ee ahaa in xildhibaanka golaha laga saaro.

Xildhibaan Maxamed Abiib, oo hadda ku xiran xabsiga Mandheera, ayaa lagu soo eedeeyay falal la xiriira faafinta sirta ciidanka iyo qaran-dumisnimo, balse golaha wakiilada ayaa maanta diiday codsiga xukuumadda, iyagoo ka hortagay in xasaanadda laga qaado xildhibaanka.

Xabsiga Mandheera, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, ayaa ah mid fac weyn oo horey loogu xiray siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah, waxaana lagu yaqaannaa in dadka halkaas lagu xidha aan si sahlan loo booqan karin.

Dastuurka iyo xeerarka Somaliland waxay qabaan in xildhibaan ka tirsan golaha aan la xirin karin ilaa inta marka hore xasaanadda laga qaadayo, taas oo sababtay in xukuumadda ay maanta soo hor dhigto golaha codsi ah in xasaanadda laga xayuubiyo Xildhibaan Abiib, balse soo jeedintaasi waa ay socon weyday ka dib markii ay ka codeeyeen inta badan xildhibaannada.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah