Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiis Iskaashi Oo Dalxiiska Ah Oo Ay La Galeen Dowladda Kenya

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo diiradda saaraya iskaashiga dhanka dalxiiska ee labada dal.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daauud Aweys, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada wadan, iyadoo la wadaagayo fursado dhaqaale iyo horumarinta dalxiiska.

Wasiir Daauud Aweys ayaa xusay in Kenya ay tahay dal dalxiiska ku wanaagsan oo sanadka 2023 uu soo booqday ku dhawaad 2 milyan oo dalxiisayaal ah.

‘Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay qorsheyaal ay Soomaaliya ku doonayso in ay dib u dhisto dalxiiskeeda, iyadoo la kaashaneysa dalalka deriska ah ee khibradda leh sida Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in labada dal ay iska kaashan doonaan dhinacyada cilmi-baarista, suuqgeynta, iyo waxbarashada la xiriirta dalxiiska.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay huteelo waaweyn iyo adeegyo kale oo dalxiis, balse waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo si loo gaaro heerarka caalamiga ah ee dalxiiska.

Daauud Aweys ayaa sheegay in haddii si wanaagsan loogu jeesto dib u dhiska dalxiiska Soomaaliya, ay dalka ka heli karto saami wanaagsan oo dhaqaale ah, maadaama Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo soo jiidan kara dalxiisayaasha caalamiga ah.

‘Wuxuu sheegay in ka hor dagaalladii sokeeye Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalka Afrika ee dalxiisayaasha soo booqan jireen, waxaana qorshuhu yahay in dalka dib loogu soo celiyo maqaamkaas.

Waxaa la filayaa in iskaashigan uu furo waddooyin cusub oo ganacsi iyo horumarinta adeegyada dalxiiska, si gaar ahna looga faa’iidaysto xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah