Ingiriiska oo Joojiyay 30 Ruqsad oo Hubka Milatariga ah oo loogu iibinayay Israel kadib Dagaalka Gaza

Ka dib markii dowladda Ingiriiska ay dib u eegis ku sameysay siyaasadda hubka ee Israel iyo waafaqsanaanta sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, Wasiirka Arrimaha Dibadda, David Lammy, ayaa ku dhawaaqay in London ay joojisay 30 ruqsad ama shati oo hubka milatariga ah oo loogu iibinayay Israel.

Ruqsadaha la joojiyay waxaa ka mid ah shatiyadii Israel loogu iibin jiray qaybaha diyaaradaha milatariga, helikopterada, drones-ka, iyo qalabka kale ee fududeeya beegsiga hadafyada dhulka.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa sheegay in baaritaankii la sameeyay lagu ogaaday in qalabkan loo adeegsan karo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadantinimada, taasoo halis ku ah xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inaysan si dhameystiran u wada joojin shatiyadii hubka ee Israel.

Tani waxay la macno tahay in siyaasadda dibadda ee Ingiriiska ay ku lug leedahay go’aamo adag oo ku saabsan sida loo maaraynayo dhoofinta hubka, iyo in tallaabooyin dheeri ah laga yaabo inay soo baxaan.

“Waxaan mar walba raadin doonnaa inaan qaato go’aamadan oo kale, si waafaqsan mabaadi’dayada,” ayuu yiri Wasiir Lammy oo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska. Wasiirku wuxuu iftiimiyay in baarlamaanka UK looga baahan yahay in ay si dhab ah u qaataan doorkooda ku saabsan ku dhaqanka sharciga shatiga dhoofinta, oo ka tarjumaya shuruudaha la daabacay iyo xaaladaha gaarka ah ee u baahan in lala tacaamulo.

Wasiir Lammy ayaa sidoo kale sheegay, “UK waxay sii wadeysaa taageerada xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Taasi waxay la micno tahay in Ingiriiska aysan Israel ku garab siin doonin inay ku xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, xilli Israel ay caalamka u muujisay inay halis ku tahay wixii ay dunida ku heshiisay.

Dowladda Ingiriiska ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dib u eegis ku sameynaysay siyaasadda hubka ee Israel, ka dib markii Xisbiga Shaqaalaha UK uu ku guuleystay doorashadii bishii July ka dhacday dalkaasi.

Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa cadaadis kala kulmaya shacabka dalkaasi si loo joojiyo hubka laga iibiyo Israel.

Raysal Wasaare Starmer ayaa dhawaan sheegay inaanan loo dulqaadan karin waxa ka socda Gaza, isagoo ku baaqay inaan la aqbalin inay sii socdaan.

David Lammy, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa bishii August sheegay in ay dembi dagaal tahay in dadka rayidka ah loo dilo gaajo, isagoo intaasi ku daray in gaajeysiinta loo adeegsado, sida hub oo kale, ay noqonayso dembi dagaal.

Tani waxay muujineysaa in Ingiriiska uu hadda ka shaqeynayo sidii uu u xoojin lahaa siyaasadda dibadda ee ku wajahan Israel, iyadoo la tixgelinayo saameynta hubka milatariga ee ay Israel u isticmaashay dagaalka Marinka Gaza.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah