Khasaare ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal ah oo Lagu Qaaday Muqdisho, Shacabka oo Qalqal Galiyay

Xalay tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, taas oo cabsi iyo qalqal ku abuurtay shacabka ku dhaqan caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 hoobiye la maqlay, kuwaas oo ku kala dhacay degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab, Waabari iyo Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku hoobteen xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya, oo ah goob muhiim ah oo ay ku yaallaan xarumaha dowladda.

Inkasta oo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, haddana waxaa jira warar sheegaya in hoobiyeyaashu ay sababeen burbur xooggan oo soo gaaray guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

Sawirro iyo muuqaallo guryo burbursan ah ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo muujinaysa baaxadda dhibaatada soo gaartay dadka rayidka ah.

Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadan, iyaga oo sheegay in qaraxyada ay ku tilmaameen fal argagaxiso oo ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku doonaya inay cabsigelin ku sameeyaan shacabka Muqdisho.

Boolisku waxay sheegeen in xaaladda haatan degan tahay, iyadoo ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dambiilayaashii weerarka ka dambeeyay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadkii hore hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, kooxdu waxay maalmihii u dambeeyay qaraxyo ka fulisay gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo Garasbaaley.

Weerarada hoobiyeyaasha ayaa qayb ka ah weerarro isdaba joog ah oo Al-Shabaab ay ka fulinayso gobolka Banaadir, iyaga oo beegsanaya meelo muhiim ah oo ay degan yihiin dad rayid ah iyo xarumo dowladeed.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah