Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo Ka Wada Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dabka Suuqa Hanti-wadaag ee Jowhar

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Guddiga Gurmadka Qaran, oo ay hogaaminayaan wasiirrada caafimaadka, waxbarashada, iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa kulan ku yeeshay Xarunta NEOC, halkaas oo diiradda lagu saaray sidii jawaab gurmad iyo soo kabasho looga bixin lahaa khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinta Hay’adda SoDMA ee safar ku-raadraacid ah oo guddoomiyaha hay’adda ku tagay Jowhar, taas oo lagu xaqiijiyay in dabka uu baabi’iyay ilaa 900 goobood oo ganacsi, iyo burbur dhaqaale oo dhan $2 milyan ilaa $2.5 milyan, taasoo saameysay nolosha 5,000 oo qoys.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa ku booriyay hay’adaha iyo guddiyada inay si hufan uga shaqeeyaan taageerada dadka ay waxyeelladu gaartay.

Xubnaha guddiga ayaa balanqaaday inay si degdeg ah gacan u siin doonaan ganacsatada ceyrtoobay ee dhibaatada ay ku reebtay masiibadaasi.

Dadka qaarkood ayaa durba helay gargaar iyo gurmad, waxaana sidoo kale bilowday dib u dhiska goobihii ganacsi ee dabka ku basbeelay, iyadoo suuqu tartiib tartiib u soo kabanayo.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah