Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta gobolka Mudug oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wakiillada, saraakiisha amniga, iyo maamulka gobolka.
Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay amniga, nabadeynta, iyo mashaariicda horumarinta kaabayaasha.
Waxaa lagu faahfaahiyey qodobbada muhiimka ah ee ka qabsoomay gobolka Mudug, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Amniga Magaalada Gaalkacyo
Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin ku saabsan horumarada laga sameeyay amniga magaalada Gaalkacyo, taas oo bulshada ku ammaantay dadaalka la sameeyay. Qorsheyaal cusub oo ku aaddan sugidda amniga ayaa la diyaariyey, kuwaas oo la qorsheynayo in la dhaqan geliyo si loo xoojiyo nabadgelyada magaalada. - Nabadeynta iyo Xalinta Colaadaha
Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay guddiyada iyo waxgaradka ka shaqeeyay xallinta colaadaha soo noqnoqday ee gobolka Mudug. Tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida bulshada ayaa lagu qaaday deegaanada ay colaaduhu saameeyeen, waxaana la rajeynayaa in dadaalladaas ay keeni doonaan nabad waarta. - Qorshaha Biyaha ee Gaalkacyo
Waxaa warbixinta lagu sheegay in guddi gaar ah loo xil saaray xallinta dhibaatada biyaha magaalada Gaalkacyo. Guddiga ayaa soo bandhigay qiimeyn farsamo oo la xiriirta sidii biyaha looga saari lahaa magaalada, si loo yareeyo culeysyada ay qabaan shacabka. Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in mashruucan muhiimka ah la dardargelin doono. - Dhismaha Goleyaasha Deegaanka
Gobolka Mudug waxaa la dhisay goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariiban ay howsheedu socoto. Dhismaha goleyaashan ayaa muhiim u ah in maamulka deegaanka uu helo awood dheeraad ah oo ay ku maareeyaan arrimaha bulshada iyo horumarinta gobolka. - Dhismaha iyo Dayactirka Waddooyinka
Warbixinta ayaa sidoo kale ku jirtay in la furay wajigii koowaad ee dhismaha waddada bartamaha magaalada Gaalkacyo marta. Sidoo kale, waxaa qorsheynaya in la bilaabo dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo, iyo dayactirka wadada isku xirta gobollada Puntland oo muhiim ah. Heshiis dhismaha iyo dayactirka waddooyinkan ku saabsan ayaa la saxiixay, taas oo gacan weyn ka geysan doonta isku socodka gaadiidka iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.
Madaxweyne Deni ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta shaqada adag ee ay qabteen, isaga oo ku dhiirigeliyay in la dardargeliyo shaqooyinka socda, si loo xaqiijiyo in gobolka Mudug uu gaaro horumar la taaban karo.
Wuxuu kaloo ku booriyay inay si adag uga shaqeeyaan xoojinta wadajirka iyo nabadda gobolka.
Qorshayaashan horumarineed ee lagu sameynayo Mudug ayaa tusaale u ah dadaalka dowladda Puntland ee ku wajahan horumarinta kaabayaasha iyo sare u qaadista nolosha bulshada ku nool gobolka.