Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beijing, caasimadda dalka Shiinaha.
Wafdiga Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi uga qeyb-gali doona shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac.
Shirkan, oo ka furmaya magaalada Beijing, ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka, iyo amniga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato madaxda sare ee dowladda Shiinaha iyo xubnaha kale ee qeybta ka ah shirkaan.
Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid diblumaasiyadeed wanaagsan, iyadoo Beijing ay si joogto ah u siiso xukuumadda Muqdisho taageero dhinacyo badan leh.
Labada dal ayaa dhowr jeer heshiisyo kala duwan kala saxiixday, kuwaas oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale qorsheynaya in ay ka qeyb-galaan doodaha muhiimka ah ee lagu gorfeyn doono iskaashiga iyo horumarinta labada dal.
Shirkaan ayaa noqon doona fursad weyn oo ay labada dhinac ku xoojin karaan xiriirkooda iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee horumarinta.