Madaxweyne Joe Biden ayaa mar kale isku dayaya inuu dib u bilaabo dadaallada caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas, isagoo doonaya inuu soo afjaro dagaalka Gaza oo sii kordhay, loona sii daayo maxaabiista.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu sii wadi doono isku daygiisa ah in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Washington ay si dhow ula shaqayn doonto Dowladaha Masar iyo Qatar, si loo dhammeystiro heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta maxaabiista.
Sabtidii, Madaxweyne Biden ayaa sheegay in weli ay jirto fursad ah in la gaari karo heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay, inkastoo xaaladu ay kacsan tahay.
Dhanka kale, Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in ururkoodu uu diyaar u yahay heshiiska xabad joojinta, balse uu carqaladeynayo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Al-Hayya ayaa Netanyahu ku eedeeyay inuu hortaagan yahay joojinta dagaalka iyo isweydaarsiga maxaabiista, isagoo tilmaamay in Netanyahu uu doorbidayo in dagaalku sii socdo.
Khalil Al-Hayya oo la hadlay Al Jazeera ayaa xusay in Xamaas ay horey u soo dhaweysay hindisihii Madaxweyne Biden uu soo bandhigay daba-yaaqadii bishii May, kaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay taageereen bishii June.
Al-Hayya ayaa sheegay in iyaga iyo Israel ay ku heshiiyeen qaabka loo fulinayo qodobada heshiiska, balse markii dambe uu Netanyahu ka baxay heshiiska, isagoo doorbiday in dagaalku sii socdo.
Xamaas ayaa Axaddii sheegtay in weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza ay khatar dhab ah ku yihiin nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta.
Meydadka lix qof oo Israeliyiin ah, oo midkood uu haystay dhalashada Mareykanka, ayaa mar sii horreysay laga helay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Israel ayaa Xamaas ku eedeysay inay si xun u dileen dadkaasi ka hor inta aysan ciidamadu gaarin god dhulka hoostiisa ah oo lagu haystay, balse Xamaas ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku baxeen gacanta askartooda.
Isku dayga Biden iyo khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xamaas iyo xukuumadda Netanyahu ayaa muujinaya caqabadaha siyaasadeed ee xallinta khilaafka, iyo sida xaaladdu u saameyn karto heshiiska xabad joojinta iyo xaaladda guud ee Marinka Gaza.