Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Beijing Kulankiisii Ugu Horeeyay La Yeeshay Madaxweyne Xi Jinping

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay Madaxtooyada Beijing.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana lagu soo bandhigay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, lana gaarsiiyo heer sare oo iskaashi istiraatiiji ah.

Waxaana sidoo kale la isla gartay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku saleysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed, isagoo caddeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid la jaanqaadi kara xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku dhawaaqay ballanqaad xooggan oo ku saabsan xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha, ganacsiga, amniga cuntada, iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo loogu talagalay taageerada qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Shiinaha ayaa si joogto ah u taageeraya Soomaaliya, wuxuuna Beijing siisaa xukuumadda Muqdisho taageero dhinacyo badan ah, iyadoo horey loo gaarey heshiisyo kala duwan oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Iskaashigan cusub wuxuu xaqiijinayaa horumar dheeri ah oo labada dal ka dhex dhici doona mustaqbalka dhow, wuxuuna dhisayaa xiriir wanaagsan oo ka dhex jira Soomaaliya iyo Shiinaha.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah