Markab Ganacsi oo Lagu Weeraray Xeebaha Yemen Iyadoo Eedeyn loo Jeedinayo Xuuthiyiinta

Markab ganacsi oo nooca shidaalka qaada ah, loona yaqaan Blue Lagoon I, ayaa maanta lagu weeraray xeebaha dalka Yemen xilli uu ku gooshayay Badda Cas.

Weerarka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 70 nautical miles dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada dekedda leh ee Saleef ee dalka Yemen, sida ay xaqiijisay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).

Warbixinta UKMTO ayaa sheegtay in markabka uu la soo wadaagay inay ku dhaceen laba gantaal, halka qarax saddexaad uu ka dhacay agagaarkiisa.

Inkastoo markabku uu la kulmay weerar culus, haddana ma lumin kontoroolka, waxaana la sheegay inuu si ammaan ah ugu sii socday dekeddiisa xigta. Warbixinta ayaan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii la socday markabka.

Markabkan Blue Lagoon I ayaa watay calanka Panama, waxaana weerarada ceynkani oo kale ah looga bartay ururka Xuuthiyiinta Yemen, kuwaas oo inta badan bartilmaameedsada maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa rumeysan in weerarkan loo beegsaday markabka, maadaama shirkadda iska leh ay xiriir la leedahay dekedaha Israel.

Waxaa sidoo kale la sheegay in markab ganacsi oo kale uu isla maanta weerar kale ka soo gaaray Badda Cas, inkastoo aan wax faahfaahin ah laga hayn.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa bishii November bilaabay inay go’doomiyaan dekedaha Israel, iyagoo beegsanaya maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee lala xiriiriyo.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa dhowr jeer ku celceliyay inaysan joojin doonin weeraradooda maraakiibta, inta Israel ay sii waddo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah