Masar oo Heshiis Cusub la Gashay Shiinaha si Ay u Iibsato Diyaarado Dagaal, Itoobiya oo Muujisay Diyaar-Garow Dagaal

Dowladda Masar ayaa qorsheyneysa inay diyaarado dagaal oo cusub kasoo iibsato Shiinaha, iyada oo xiisaduhu ay sii kordhayaan kala dhexeysa Itoobiya.

Masar ayaa heshiis la gashay Shiinaha bishii August 2024, si ay u hesho diyaaradaha dagaalka ee J-10C, beddelkana uga dhigto diyaaradaha F-16 ee Fighting Falcons ee ay hadda haysato.

Heshiiskan ayaa ka dhigaya Masar dalkii labaad ee haysta diyaaradaha J-10C, kaddib Pakistan. Iibsashada diyaaradaha J-10C ayaa keentay hadal hayn ballaaran, iyadoo la xiriirineyso xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha biyaha Webiga Nile.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa iyana muujinaysa diyaar-garow dagaal, iyadoo soo bandhigtay gantaallada ballistic-ga ah ee M-20 oo lagu arkay xadka Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kadib markii Masar ay heshiis milateri la saxiixatay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in 10,000 oo askari oo Masar ah la geeyo Soomaaliya, iyagoo qeyb ka noqonaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan qayb ka noqon howlgalka, iyadoo ku eedeysay Itoobiya xad-gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan milateri ee labada dhinac ayaa sii adkeynaya xiisadda gobolka.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah