Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay heshiiska dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Masar, isaga oo ka digay khatarta ay Masar ku leedahay gobolka Geeska Afrika.
Muuse Biixi, oo dadweynaha kula hadlay degmada Togwajaale, ayaa ku celceliyay in Somaliland aysan masiirkeeda u daba fariisan doonin Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uu si buuxda u dhaqan geli doono.
Madaxweyne Biixi ayaa dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka ay la sameysay Masar uu khatar ku yahay gobolka, isaga oo tilmaamay in aan suurtagal ahayn in Muqdisho ay isku daydo inay Somaliland xoog ku qabsato iyadoo ku tiirsan Masar.
Biixi wuxuu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin deris oo ay yihiin kuwo is fahmay oo iskaashi dhaqaale leh, isaga oo sheegay in imaanshaha Masar ee Geeska Afrika uu yahay mid khatar ah.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka jawaabay su’aalo ku saabsan sababta Somaliland ay heshiis ula gashay Itoobiya oo ah dowlad kirishtaan ah, isaga oo xusay in danta gobolka iyo derisnimada ay mudan tahay, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo diidaya heshiisyada ay dowladaha kirishtaan ah la galaan dowladaha Islaamka.
Biixi wuxuu fariin u diray Soomaalida ku nool Kenya ee kasoo horjeeda heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo ugu baaqay inay deris wanaag muujiyaan, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan xuduud la wadaagin Kenya.
Ugu dambeyn, wuxuu ku booriyay shacabka Somaliland inay garab istaagaan kuwa difaacaya qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, isaga oo tilmaamay in heshiiskan uu banaanka soo dhigay cadow badan oo Masar ku tiirsanaa.