Weerarka ka dhacay marinka Allenby ee xadka u dhexeeya Urdun iyo Daanta Galbeed, ayaa la sheegay inuu fuliye nin hubeysan oo Urduni ah, kaasoo rasaas ku furay ciidamada Israa’iil, isagoo dilay saddex qof oo rayid ah oo Israa’iiliyiin ahaa.
Ninkaasi oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun, ayaa isgoyska ku weeraray ciidamada amniga Israa’iil, taasoo keentay is rasaaseyn uu ku dhintay ninkii weerarka geystay.
Weerarkan ayaa ka dhacay xadka ay Urdun la wadaagto Israa’iil, oo dadka Urduniyiinta u yaqaanaan Buundada Boqor Xuseen, waxaana uu noqday weerarkii ugu horreeyay tan iyo 7-dii October, markaas oo ay kooxda Xamaas weerartay koonfurta Israa’iil, taasi oo xoojisay xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin.
Dhanka kale, magaalada Jabaaliya ee Gaza ayaa la kulantay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay. Duqeyntaas waxaa lagu dilay Mohammad Morsi, agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka degdegga ah ee Gaza, iyo afar xubin oo qoyskiisa ah.
Israa’iil weli kama aysan hadlin dilka Morsi. Dilka agaasime Morsi ayaa tirada xubnaha qoyskiisa ee lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii October ka dhigay 83 qof, taasoo ka dhalatay weerarada Israa’iil oo si joogto ah u bartilmaameedsanaya qaybaha kala duwan ee Gaza.