Rodri oo Noqday Bartilmaameedka Koowaad ee Real Madrid ee 2025 Kadib Hakadka Qandaraaskiisa Manchester City

Rodri, oo ah xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, ayaa lagu soo waramayaa inuu noqday bartilmaameedka ugu muhiimsan ee Real Madrid ee sanadka 2025.

Wararka ayaa sheegaya in Rodri uu hakad geliyey wada-hadallada ku saabsan kordhinta qandaraaskiisa City, taas oo fursad siisay Real Madrid inay bartilmaameedsato saxiixiisa mustaqbalka.

Majaladda AS ee Spain ayaa tilmaantay in Real Madrid ay ku kalsoon tahay inay si degdeg ah u soo gabagabayso heshiiska ay kula soo wareegeyso Alphonso Davies oo ka tirsan Bayern Munich, waxaana ay indhaha la raacaysaa Rodri oo ay u aragto inuu buuxin karo booska bannaan ee uu ka tagayo Toni Kroos.

Rodri ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican booskiisa ee khadka dhexe, waxaana Real Madrid ay u aragtaa inuu noqon karo xalka mudada fog ee kooxdu u baahan tahay.

In kasta oo qandaraaska uu haatan kula jiro City uu dhacayo 2027, haddana kooxda ayaa ka shaqeynaysa inay heshiis cusub la gaarto, si loo hubiyo in uu sii joogo Etihad Stadium.

Hase yeeshee, Rodri ayaa wali ka gaabsaday inuu ogolaado heshiis cusub, taas oo dhalisay warar xan ah oo sheegaya inuu u wareegi karo Santiago Bernabeu.

Waxaa la filayaa in haddii uu Real Madrid ku biiro, uu qaadan doono lambarka 16aad ee haatan u xiran da’yarka reer Brazil, Endrick. Si kastaba, haddii Kylian Mbappe uu ku biiro Madrid, waxaa laga yaabaa in isbedel dheeraad ah lagu sameeyo lambarada kooxda, iyadoo Mbappe laga yaabo inuu qaato lambarka 10aad, ka dib bixitaanka Luka Modric.

Rodri, oo 28 jir ah, wuxuu ku jiraa waqtiga ugu sarreeya xirfaddiisa ciyaareed, wuxuuna noqon doonaa 29 jir marka uu suuqa kala iibsiga furmo 2025, taas oo la mid ah da’dii uu Zinedine Zidane ku biiray Real Madrid sanadkii 2001.

Haddii heshiiska uu hirgalo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada waaweyn ee Real Madrid mustaqbalka dhow.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah