75
Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar xagga cirka ah oo Ruushku gelinkii dambe ee Jimcihii ka gaystay Magaalada Kharkiv ee waqooyi bari Ukraine. Saraakiisha Ukraine ayaa xaqiijiyay in 77 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, ka dib markii la bartilmaameedsaday dhisme dheer oo ay deganaayeen dad rayid ah. Weerarkan ayaa ku soo aaday xilli magaalada Kharkiv oo ku taalla waqooyi bari Ukraine, ay muddooyinkii ugu dambeeyay sii kordhayeen weerarada Ruushka.