Shaqo Joojin Ballaaran oo Maanta ka Bilaabatay Israel Iyadoo Shacabka ay Ku Banaanbaxayaan Xukuumadda Netanyahu ee Ku Fashilantay Soo Afjaridda Dagaalka Gaza

Shaqo joojinta ballaaran ee maanta ka dhaqangashay Israel ayaa ka dhalatay caro xoogan oo ay shacabka Israel ka qabaan qaabka ay xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu u wajaheyso wada hadalada xabad joojinta iyo sii deynta la haysteyaasha Israeliyiinta ee ku jira gacanta kooxaha wax iska caabinta ee Falastiin.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeynaya xukuumadda inay ka gaabisay in la gaaro heshiis nabadeed oo suurtagelin kara in la soo afjaro colaadda iyo in la sii daayo dadka lagu qafaashay weerarkii 7-dii October.

Magaalooyinka waaweyn ee Israel sida Tel Aviv, Haifa, iyo Jerusalem ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo waaweyn, iyadoo dadweynuhu ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay cadaadis ugu saaraan xukuumadda inay tallaabo degdeg ah qaaddo.

Dibadbaxyadan ayaa waxaa hormuud u ahaa waalidiinta, qoysaska, iyo ehelada la haysteyaasha, kuwaas oo si weyn uga welwelsan nolosha dadka ay jecel yihiin ee weli lagu haysto gudaha Gaza.

Shaqo joojinta ayaa saameysay dhammaan waaxyaha muhiimka ah ee dalka, sida Wasaaradaha Dowladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay, bankiyada, iyo goobaha waxbarashada.

Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion, oo ah kan ugu weyn ee Israel, ayaa sidoo kale ku jira saameynta shaqo joojinta, taas oo horseedday in la hakiyo duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee halkaas ka baxayay.

Gaadiidleyda iyo ururada shaqaalaha ayaa qayb weyn ka qaadanaya shaqo joojinta, iyagoo xiray waddooyinka halbowlaha ah ee isku xira magaalooyinka waaweyn ee Israel, taas oo sababtay in isu socodka magaalada uu istaago.

Dadka reer Israel ayaa si isku mid ah u muujinaya taageerada ay u hayaan la haysteyaasha, iyagoo ku baaqaya in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo noloshooda.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaya muddo dheer oo ay u arkeen inay tahay mid ay xukuumadda Netanyahu ku adkeysaneyso dagaalka iyo diidmada inay aqbasho heshiisyo nabadeed oo lagu badbaadin karo nolosha la haysteyaasha.

Waxay ku eedeeyeen Netanyahu inuu diiday inuu dhegeysto talooyinka saraakiisha difaaca iyo kuwo kale oo ku baaqayay in la soo afjaro dagaalka, taas oo hadda dhalisay inuu wajaho culeysyo siyaasadeed oo xoog leh gudaha dalka.

Xaaladdan adag ee dalka ka taagan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida Netanyahu uu u maareyn doono cadaadiskan siyaasadeed iyo midka shacabkiisa, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay kasii darto haddii aan xal degdeg ah loo helin.

Shacabka Israel ayaa ku baaqaya in dagaalka la soo afjaro, si loo badbaadiyo nolosha dadka lagu haysto Gaza, isla markaana la helo xasillooni iyo nabad waarta oo gobolka ku soo noqota.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah