Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, iyadoo ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.
Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, waxaana ka qeyb qaadan doona ciidamada dhulka, cirka, iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay ilo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.
“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya.
Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.
Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis dhanka difaaca, kaasoo bilowday qorshe ay ciidamada Masar uga qeyb noqonayaan howl-galka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan ee horumarinta iyo ammaanka.
Dhoolatuskan wadajirka ah ayaa sidoo kale imaanaya maalin uun kadib markii Qaahir ay sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbisay qoraal ay uga hortimid wax ay ugu yeertay “siyaasadda hal dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xireenka Gerd.”
Qaahira ayaa diiday inay Itoobiya ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta kaydkeeda, iyada oo aan laga tashi galin Masar.
Dhoolatuskan ayaa u muuqda mid muujin kara sii kordhinta xiisadda u dhaxeysa Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, iyadoo saraakiisha ammaanka ay ka digayaan in dhoolatuskan uu dhaawici karo xasiloonida gobolka.
Dhoolatuskan ayaa sidoo kale noqon kara farriin xooggan oo ku aaddan arrimaha difaaca iyo iskaashiga gobolka, iyadoo labada dal ay ka faa’iideysan doonaan iskaashiga iyo taageerada la xiriirta ammaanka iyo nabadgelyada.