Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan saraakiil Mareykan ah, ayaa maanta gaarey furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha Mareykanka waxaa hogaaminayay Colonel David Haskell, oo ah taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka.
Wafdiga ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, iyagoo diiradda saaray sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa gobollada HirShabelle iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ku booriyay saraakiisha inay dagaalka cadawga ku sii wadaan, iyadoo la kaashanayo dadka deegaanka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa taageero muujiyay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, oo ay ku jiraan Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa kusoo aadayo iyadoo gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan aagga degmada Ruun-nirgood.
Mareykanka ayaa sii wada taageeradiisa dhinaca tababarka, dhaqaalaha, iyo weerarada cirka ee lagu beegsado Al-Shabaab, waxaana kaalintooda ay muhiim ka tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya.