Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo ku eedeeyay Soomaaliya inay la shaqeyso cadowga Itoobiya, kuna goodiyay difaaca madax-bannaanida dalka

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 47-aad ee sannad-guurada taliska bariga Itoobiya ee ka dhacday Jigjiga, ayaa si kulul u dhaleeceeyay madaxda Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Masar oo uu ku tilmaamay inay tahay cadowga Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay difaacdo madax-bannaanideeda, haddii ay ka timaado wax tallaabo ah dhinaca Soomaaliya ama Masar.

Field Marshal Birhanu ayaa sidoo kale xusay in ciidamadiisu ay diyaar-garoobeen, waxaana uu uga digay “cadowga Itoobiya” oo uu sheegay inay carqaladeynayaan horumarka dalka, iyagoo kaashanaya “calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan gudaha ah.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo sii hurisay kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiis militari la saxiixatay Masar.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya in 10,000 oo askari oo Masar ah lagu soo daabulo Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howl-gal nabad ilaalin cusub oo la qorsheynayo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku tala jirta in ay ka hortagto ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, taasoo salka ku haysa xadgudubyo Itoobiya ay ku kacday oo ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Badalkiisa, Soomaaliya waxay dooneysaa in Masar ay door muhiim ah ka qaadato howlgalkaas, taas oo ka careysiisay Itoobiya, oo Masar ay horey isugu heysteen arrinta wabiga Niilka.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah