Booliska gobolka Kentucky ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in nin hubeysan oo weli baxsad ah uu Sabtidii dhaawacay 7 qof meel u dhow waddada 75-aad ee marta gobollo badan.
Ninka looga shakisan yahay toogashada ayaa la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhow keymaha koonfur-bari ee baadiyaha gobolka.
Taliska booliska degmada Laurel ayaa barta Facebook ku xaqiijiyey in dad badan lagu toogtay meel u dhow waddada weyn ee gobollada. Waddadaasi ayaa la xiray ilaa 9 mayl.
Duqa degmada London, Randall Weddle, ayaa sheegay in 7 qof la dhaawacay, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyadaas ay sabab u yihiin shilal ka dhashay toogashada.
Falkan argagaxa leh ayaa yimid laba maalmood kaddib markii wiil yar oo hubeysan uu dilay laba macallin iyo laba arday dugsi sare oo ku yaalla gobolka Georgia.
Wiilka 14-jirka ah iyo aabihiis ayaa loo xiray falkaasi, iyadoo aabbaha lagu eedeeyey inuu wiilkiisa u oggolaaday qoriga lagu fuliyey dilka.