Weeraryahanka reer Nigeria, Victor Osimhen, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Istanbul, iyadoo kumanaan taageerayaasha Galatasaray ay isugu soo baxeen magaalada si ay usoo dhaweeyaan kaddib markii uu dhamaystiray heshiis amaah ah oo uu kaga soo biiray Napoli.
Heshiiska ayaa la xaqiijiyay saacado yar uun kaddib markii uu xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Yurub, iyadoo loo ogolaaday inuu ku biiro Galatasaray hal xilli ciyaareed oo amaah ah.
Galatasaray ayaa dabooleysa mushaharka Osimhen, kaas oo gaaraya €10 milyan, inkastoo kooxda Turkiga dhab ahaantii bixinayso €8.8 milyan.
Osimhen oo ay Napoli kasoo iibsatay Lille bishii Sebtember 2020kii adduun dhan €79 milyan oo Euro, ayaa ku guuleystay inuu u dhaliyo 76 gool iyo 18 caawin 133 kulan oo uu u saftay kooxda reer Talyaani ee Napoli.