Waaxda Caddaaladda Mareykanka oo Eedeymo Culus Usoo Jeedisay Hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar iyo Saraakiil Kale oo Ku Lug Lahaa Weerarkii Israa’iil

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday eedo danbiyeed oo culus oo ka dhan ah hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwaar, iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan Xamaas, kuwaas oo lala xiriirnayo weerarkii ay Xamaas ku qaaday waqooyiga Isra’iil 7-dii October. Eedeymahan ayaa ka dhashay weerarkaas, kaas oo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawacyo fara badan.

Maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Mareykanka ayaa ku soo oogtay madaxda Xamaas toddobo fal-danbiyeed oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin shirqoolka ah in taageero agab ah loo fidiyo urur argagixiso oo shisheeye ah, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah, iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.

Eedeynta ayaa sidoo kale lagu xusay Iran iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale iyo hub ah siiyeen Xamaas.

Hubkan waxaa la sheegay in Xamaas ay u adeegsatay weerarkii waqooyiga Israa’iil, taas oo si gaar ah u muujineysa xiriirka adag ee ka dhaxeeya kooxahaas iyo taageeradooda ka dhan ah Israa’iil.

Yaxya Sinwaar, oo ah hoggaamiyaha Xamaas, ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo dhulka hoostiisa ee Marinka Gaza, halkaas oo Israa’iil ay horay madaxiisa u dul dhigtay lacag abaalmarin ah oo aad u badan si loo dilo.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in saddex ka mid ah eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhinteen, taas oo muujineysa in howlgallada milatari ee socda ay saameyn ku yeesheen madaxda sare ee Xamaas.

Dacwaddan ayaa lagu macneeyay mid si weyn u adkeyneysa mowqifka Mareykanka ee ka dhanka ah Xamaas iyo taageerayaasheeda, iyadoo Mareykanku uu sii wado dadaallada uu ku doonayo inuu ku cadaadiyo kooxaha argagixisada ee caalamiga ah.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah