Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo Dacwad Ka Gudbiyey Wasaaradda Caafimaadka Heer Federaal

Wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada Soomaaliya (marka laga reebo Puntland) iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaareeyeen Wasaaradda Caafimaadka Federaalka.

Waxay sheegeen in wasaaradda federaalku caqabad ku noqotay mashruucyo caafimaad oo muhiim ah oo ka socda dalka, iyadoo sababtay in lacag malaayiin doollar ah ay halis ugu jiraan inay khasaaraan.

Dacwada ugu weyn ayaa ah in Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ay ku amartay hay’adaha caalamiga ah inaanay la shaqeyn karin wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada.

Tani waxay si gaar ah u saameysay mashaariic muhiim ah sida:

  1. Mashruuca Damal Caafimaad oo ay maalgeliso Bangiga Adduunka, kaasoo dowlad goboleedyadu sheegeen in wasaaradda federaalka ay sababtay inuu halis ugu jiro inuu khasaareyo $25 milyan.
  2. Mashruuca COVID-19, oo aan la dhaqaajin wax horumar ah, kaasoo sidoo kale halis ugu jira inuu lumiyo $48 milyan, iyadoo uu ku egyahay sanadka 2025.
  3. Mashruuca CCU oo loogu talagalay shaqaaleysiinta xirfadlayaal caafimaad oo ka howlgala isbitaallada, kaasoo wasaaradda federaalka ay xayirtay muddo hal sano ah, waxaana mashruucan uu dhacayaa Abriil 2025.

Wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyadu waxay sheegeen in xiriirka ay u jareen wasaaradda federaalka kadib markii ay ka jawaabi weyday tabashooyin horay loogu gudbiyey.

Waxay sidoo kale dacwad u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo codsaday in wax laga qabto caqabadaha is biirsaday ee ku xeeran mashaariicda caafimaadka ee dalka.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah