Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant, ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo cambaareeyay habka loo wajaheyso heshiiska xabad joojinta Gaza.
Gallant ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka gaabisay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu soo afjari lahaa dagaalka, xilli ay xoogeysteen mudaaharaadyada shacabka Israel oo ku dalbanaya in la dhameystiro heshiiska xabad joojinta si loo soo sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee weli lagu haysto Marinka Gaza.
Kooxaha Falastiiniyiinta, oo ku sugan Marinka Gaza, ayaa haysta in ka badan 100 qof oo Israeliyiin ah, kuwaas oo lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii.
Xamaas ayaa ku gorgortameysa in Tel Aviv ay dadkaasi ku bedelato joojinta dagaalka Gaza, in ciidamadeeda ay kala baxdo Marinka Gaza, iyo inay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.
Gallant ayaa si weyn u taageeray shacabka Israel ka dib markii magaalooyinka Israel ay ruxeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dagaalka iyo taageero loogu muujinayo qoysaska la haysteyaasha.
Xiriirka Shaqaalaha Israel ee Histadrut ayaa ku baaqay in maanta shaqo joojin laga sameeyo dalka oo dhan, si xukuumadda loogu cadaadiyo inay aqbasho heshiiska xabad joojinta.
Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in habka xukuumadda Netanyahu u wajahayso wada hadalada heshiiska maxaabiista uu yahay mid wax laga xishoodo.
Waxa uu sheegay in mudnaanta ay xukuumaddu siineyso sii joogitaanka ciidamadeeda ee Philadelphi Corridor, oo ah goob muhiim ah oo ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar, uu ka hor imanayo danaha shacabka iyo xaaladda la haysteyaasha.
Xiriirka ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza ayaa ka dhacay Doha iyo Qaahira, iyadoo Israel ay ku adkeysatay in wax kasta oo lagu heshiinayo lagu saleeyo inaanan ciidamadeeda laga soo saarin aagga xuduudaha muhiimka u ah heshiiska xabad joojinta.
Xamaas ayaa sheegtay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah ilaa iyo inta Israel ka aqbaleyso in ciidamadeeda ku celineyso barrihii ay ku sugnaayeen ka hor dagaalka.
Warbaahinta Israel ayaa Jimcihii sheegtay in Gallant iyo Netanyahu ay ku sigteen inay isku gacan qaadaan, sababtu tahay Gallant oo gebi ahaanba ka soo horjeedo dagaalkan.
Wargeyska Haaretz iyo TV-ga Channel 12 ee Israel ayaa sidoo kale sheegay in Gallant uu ka go’an yahay in ciidamada laga soo wada saaro Marinka Gaza iyo in Xamaas lala galo heshiis xabad joojineed si loo sii daayo la haysteyaasha Israelyiinta.
Gallant, oo ka tirsan Xisbiga Likud ee Netanyahu uu hoggaamiyo, ayaa u muuqda mid ka go’doonsan Netanyahu iyo xulafadiisa ka tirsan Golaha Wasiirada ee diidan in la dhameystiro heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta la haysteyaasha.
Mudaaharaadkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee laga qabto gudaha Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza.