Xamaas oo Si Xoogan Uga Fogaatay Eedeymaha Dilka Israeliyiinta, Netanyahu Oo Carro Ka Muujiyay Xaalada

Ururka Xamaas ayaa si adag uga fogeeyay eedeymaha militariga Israel ee ku saabsan dilka 6-da qof ee Israeliyiinta ah oo meydkooda laga helay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza Sabtidii.

Eedeymahan ayaa sidoo kale ku jiray qof haystay dhalashada Mareykanka.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari, ayaa sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii, isla markaana si xun loo dilay iyagoo ku sugnaa gacanta Xoogaga Xamaas ka hor inta aysan ciidamadu gaarin god dhulka hoostiisa ah oo lagu haystay.

Xamaas ayaa si kulul uga jawaabtay warkaasi, iyadoo sheegay in dadkaasi ay ku dhinteen gacanta ciidamada Israel.

Ezzat Al-Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Axaddii sheegay in dadkaasi ay ku dhinteen gacanta ciidanka Israel, isagoo sheegay in kuwa weli nool ay halis ugu jiraan in lagu weeraro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xamaas aysan jirin sabab ay u dhibaateyn karto maxaabiista ay ku gorgortameyso, iyagoo rajeynaya inay si fiican u helaan cadaalad.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkeystay in Israel aysan nasan doonin ilaa caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka.

Hadalka Netanyahu ayaa kiciyay shacabka Israel, iyagoo isugu soo baxay magaalooyinka si ay uga cambaareeyaan xukuumaddiisa.

In ka badan 500,000 oo qof ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo xaaladda la haysto dadka gudaha Marinka Gaza.

Mudaaharaadayaasha oo ay ka mid yihiin qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ayaa si cad ugu taageeray warka Xamaas, iyagoo sheegay in aysan jirin wax been ah oo ku saabsan eedeymaha Xamaas.

Mudaaharaadkan ayaa noqday kii ugu weynaa ee laga qabto gudaha Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, waxaana ay isku dhaceen ciidanka booliska iyo dibadbaxayaasha, iyadoo magaalada Tel Aviv lagu xiray 29 qof oo ku lug lahaa weerarada askarta.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday in xukuumadda ay si degdeg ah u aqbasho heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga si loo suurtageliyo in dadka weli la haysto ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Ururada Shaqaalaha Israel ayaa sidoo kale ku baaqay in Isniinta maanta ah shaqo joojin lagu sameeyo dalka oo dhan si xukuumadda loogu cadaadiyo in ay aqbasho heshiiska xabad joojinta.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich, ayaa ka codsaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Israel, Gali Baharav-Miara, inay soo saarto amar degdeg ah oo looga hortagayo shaqo joojinta.

Smotrich ayaa ka mid ah wasiirada xagjirka ah ee Netanyahu ka hortaagan in uu qaato heshiiska xabad joojinta Gaza, taasoo xukuumadda Netanyahu ku tiirsan tahay isbahaysiga midigta fog.

Mudaaharaadkan ayaa muujinaya xiisadaha sii kordhaya ee ka dhex jira bulshada Israa’iil iyo xukuumadda, wuxuuna noqonayaa kiisii ugu ballaarnaa ee laga qabto gudaha Israel tan iyo markii uu dagaalka Marinka Gaza bilaabmay.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah