Xasan Sheekh Maxamuud oo Diiday Kulanka Abiy Axmed, Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Cirka Isku Shareertay

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, inkastoo labadooduba ay ku wada sugnaayeen magaalada Beijing, Shiinaha, halkaas oo ay uga qeyb galeen shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Talaabadan ayaa ku timid xilli ay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kor u kacday, ka dib markii dowladda Itoobiya ay heshiis sharci darro ah la saxiixatay maamulka Somaliland, taasoo xumeysay xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u diiday inuu la kulmo Abiy, inkastoo ay isku dayeen madaxda Afrika in ay dhexdhexaadiyaan.

Madaxweynayaasha Jabuuti, Mauritania, iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa isku dayay inay fududeeyaan wadahadal, balse Xasan Sheekh ayaa si cad u diiday inuu kulan la yeesho Abiy Axmed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeeda heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirweynaha Beijing in Itoobiya ay halis ku tahay gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan wax wadahadal ah la galin doonin Itoobiya ilaa ay ka laabanayso heshiiskaas sharci darrada ah.

Itoobiya ayaa dooneysay in wadahadal la galo, iyadoo ay cabsi badan ka qabto heshiiskii ay Soomaaliya la gashay Turkiga iyo Masar ee dhanka difaaca.

Soomaaliya ayaa dooneysa inay culeys siyaasadeed ku saarto Itoobiya, iyadoo dalbaneysa in Addis Ababa ay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan heshiiska Muuse Biixi u saxiixay, taasoo xiisadda sii hurisay.

Waxaa muuqata in xiriirka labada dowladood uu wajahay halis weyn, iyada oo Soomaaliya ay dooneyso inay difaacdo midnimada dhuleed ee dalkeeda, halka Itoobiya ay weli ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aadan Somaliland.

Xigasho: Caasimadda Online

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabaya Kulamadii Ka Hakaday

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Mareykanka Daahir Xasan Carab oo Balan-qaaday Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid Ah