Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay diblomaasiyiin caalami ah oo ku sugan Muqdisho, isagoo kala hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo saameyn weyn ku yeelatay gobolka Geeska Afrika.
Kulamadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo dalalka ay matalayaan diblomaasiyiintaas.
Madaxweynaha ayaa la kulmay xubno ay ka mid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobey, Ms.
Christina Markus Lassen, Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, iyo Agaasimaha siyaasadda, horumarinta, iyo maaliyadda ee Afrika, Mr. Ketil Iversen Karlsen.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarinta.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka ah.
Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday in kulankaan lagu lafaguray siyaabaha lagu horumarin karo danaha labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarinta.
Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn u kicisay dagaal diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan khilaafka. Diblomaasiyiinta caalamiga ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan xaaladda, iyagoo ku baaqay in wadahadallo nabadeed lagu xalliyo muranka.
Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in xiisaddu gacan ka hadal isku bedesho, gaar ahaan markii dalalka Masar iyo Turkiga ay soo farogeliyeen arrinta, iyagoo taageero u muujiyey Soomaaliya.
Labadan dal ayaa la sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaan dhanka milatariga, iyagoo keenay ciidan, diyaarado, iyo taangiyo si ay u difaacaan danaha Soomaaliya haddii xaaladda ay sii xumaato.
Xaaladdan ayaa ka dhigtay xiisadda mid sii kululaanaysa, iyadoo labada dhinacba isku dayayaan inay helaan taageero caalami ah.