Xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Masar ayaa si weyn ugu sii fidaya gobolka Geeska Afrika, iyadoo Masar ay markii ugu horreysay afartan sano kadib Soomaaliya u soo dirtay gargaar milatari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tallaabadan ayaa sii xoojisay cabashada Itoobiya oo muujisay sida ay uga soo horjeedo in ciidamo Masar ka socda ay yimaadaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee la filayo inuu ka bilaabmo Soomaaliya bilowga sanadka cusub.
Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday kadib markii ay Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan wada saxiixdeen heshiis is-afgarad ah.
Itoobiya ayaa dhowr jeer ku celcelisay rabitaankeeda inay saameyn ku yeelato Gacanka Cadmeed, arrintaas oo walaac weyn ka abuurtay dalalka gobolka.
Wufuud ka kala socota labada dal ayaa dhowr jeer ku kulmay dalka Turkiga si loo xalliyo xiisadda, balse wadahadallada ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday.
Dalka Jabuuti oo isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay haddii xiisadda ay kasii darto, maadaama ay saameyn ku yeelan karto nabadda iyo xasiloonida gobolka, gaar ahaan Jabuuti.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in wadahadalada labada dhinac ay yihiin kuwo muhiim ah, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka.
Waxa uu sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay inay Itoobiya siiso deked cusub oo ku taalla Tajura, taas oo 100 km u jirta xadka Itoobiya, si loo xalliyo khilaafka una joojiyo xiisadda.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa sidoo kale cabsi gelisay Jabuuti oo wajahaysa khataro kaga iman kara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ka dagaalama gacanka Cadan iyo Baabul-Mandab.
Wasiirku wuxuu ugu dambeyn ku baaqay in labada dal aysan sii hurin xiisadda, isaga oo ku nuuxnuuxsaday diyaaradda Jabuuti ee dhexdhexaadinta.
Sidoo kale, Jabuuti waxay qorsheynaysaa inay marti geliso kulan lagu soo afjarayo xiisadda, kaas oo ay suurtagal tahay in lagu qabto IGAD, si loo helo xal waara oo loogu tala galay amniga gobolka.