Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa shaaciyay in goordhow magaalada Hargeysa lagu xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi.
Xildhibaan Abiib ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Waxaa la xaqiijiyay in Xildhibaan Maxamed Abiib uu dhawaan ka soo baxay Imaaraadka Carabta, isagoo muddooyinkii dambe ka mid ahaa dhaliilayaasha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo ururka SNM.
Waxaa si gaar ah loogu xusay in xildhibaanka uu weerar afka ah ku qaaday xukuumadda, taasoo keentay in xeer-ilaalinta Somaliland ay dacwad ka gudbiso oo ku saabsan maamuus ka xayuubin.
Xildhibaan Abiib ayaa ku doodday in xukuumaddu isku dayayso inay xakameyso xornimada hadalka iyo inay ka hor istaagto hadaladiisa, isagoo sidoo kale abaabul bulsho ka sameeyay Boorama oo laga soo doorto.
Waxa uu ku andacoonayaa in xukuumadda Somaliland ay u adeegsanayso dacwadaha iyo xiritaanka sidii ay u xakameyso aragtidiisa siyaasadeed.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, sababta ramsiga ah ee loo xiray Xildhibaan Abiib waa mid aan si buuxda loo fahmin, waxaana suuragal ah in xiritaanka uu yahay qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo ay xukuumaddu ku wajahayso eedeymo la xiriira maamul xumo ama qalalaase siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib.
Sidoo kale, su’aal ayaa ka taagan qaabka loo wajahay xasaanadda xildhibaanka, maadaama uu yahay xildhibaan, welina aan laga qaadin xasaanadda uu ku leeyahay baarlamaanka.
Waxaa jira walaac xooggan oo ka dhashay xarigga Xildhibaan Abiib, waxaana muuqata in arrintani ay keeni karto xiisad siyaasadeed oo dheeraad ah iyo su’aalo badan oo ku saabsan xukunka iyo maamulka Somaliland.
Taageerayaasha Xildhibaan Abiib ayaa sidoo kale sheegay in ay ka mid yihiin dadka ugu badan ee ka soo horjeeda go’aanka xukuumadda.