Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna si rasmi ah raalligelin u siiyay odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kadib markii ay ka horyimaadeen dadaal uu isaga iyo xildhibaanno kale sameeyeen oo ay raalligelin ugu gudbiyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Yuusuf Geelle ayaa sheegay in ujeedkoodu ahaa in la dhameeyo muranka taagan, isla markaana la’isku soo dhowaado, isagoo ka shaqeynayay in xaaladda siyaasadeed ee baarlamaanka si nabad ah lagu dhameeyo.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dadaalkoodu ku wajahnaa hagaajinta xiriirka xildhibaanada baarlamaanka oo ay hore uga dhex-jirtay xiisad, balse ay hadda odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye si kale u arkeen dadaalkaas.
“Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaaliyeed hortooda ka bixiyo raalligelin buuxda odayaasha dhaqanka, wax kasta oo ay dhibsadeen oo ku saabsan shaqadii aan ka shaqeyneynay, waxaan rabnaa inaan ka raalligelino,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.
Farriin Ku Wajahan Baarlamaanka iyo Arrinta Badda:
Xildhibaan Yuusuf Geelle ayaa sidoo kale farriin midnimo iyo qaranimo u diray xildhibaannada labada gole, isagoo ku boorriyay inay u midoobaan difaaca dalka iyo badda Soomaaliya.
Wuxuu xusay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu baarlamaankiisa ka dhaadhicinayo inuu dhul Soomaaliyeed qabsado, sidaas darteedna xildhibaannada Soomaaliya looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan kala qeybsanaanta oo ay difaacaan badda iyo xuduudaha dalka.
“Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa inaanan ku kala qaybsamin inaan badda difaacno oo dalka iyo dadka aan Itoobiya ka difaacno,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle.
Odayaasha Beelaha Hawiye oo Ka Horyimid Raalligelinta Xildhibaanada:
Dhanka kale, odayaasha Beelaha Hawiye oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabada xildhibaannada ee raalligelinta u sameysay xildhibaannada Koonfur Galbeed.
Waxay sheegeen in raalligelintaas ay ka caraysiiyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beelaha Hawiye.
Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa ku tilmaamay xildhibaannada sameeyay raalligelinta inay yihiin kuwa ka soo horjeeda danta shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala oo raalligelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa,” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.
Xaaladda siyaasadeed ee u dhexeysa xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye waxay muujineysaa in weli xiisado taagan yihiin, iyadoo loo baahan yahay wadahadal iyo xal degdeg ah oo lagu dhameeyo muranka taagan.