Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo dhanka cirka ah lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi.
Duqeyntan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cali Hayle oo ku dhow xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in weerarkan lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cali Hayle, iyadoo sidoo kale lagu gaarsiiyay khasaare culus.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay ka mid ahaayeen meelaha ay Al-Shabaab ku abaabulayeen dagaalyahannadooda.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab ee ku aaddan weerarkan cirka ah.
Duqeyntan ayaa daba socotay mid kale oo ka dhacday deegaanada hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay sidoo kale ku sugnaayeen maleeshiyaad kale oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgallada ka socda deegaanada Galmudug ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay iska kaashanayaan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab.